(Warbixin+Sawirro) Kulan muhiim ah oo ka dhacay magaalada Kismaayo iyo ajnabi ka qeyb galay

Munaasibaddan oo ka dhacday hotel Agan ee magaalada Kismaayo ayaa ahayd mid Hay’addaha Safe World iyo Soosheensi  ay kusoo bandhigayeen waxqabadka dowladda Jubaland mudadii ay dhisnayd, iyagoo halkaas kusoo bandhigay muuqaallo muujinayay waxqabadka dowladda ee dhinacyada adeegyada muhiimka ah ee bulshada.

Munaasabada waxa kasoo qayb galay masuuliyiin ka tirsan dowladda Jubaland oo ay kamid yihiin gudoomiye kuxigeenka degmada Kismaayo Cabdi Bare  iyo agaasimaha arimaha bulshada ee gobolka Jubada hoose   Jaamac Ugaas,  aqoonyahano, ururuarada hawenka, wakiilada hayadaha  Save world iyo sooshensi,xubno kasocday  rugta ganacsiga warshadaha ee  Jubba land iyo marti sharaf kale.

Ugu horeen waxaa munaasabada kahadlay  wakiilka hay’adda  Safe World John Kroj asagoo halkaasi ka sheegay natiijada cilmi baarista ay sameeyeen mudadii ay dhisnayd dowladda Jubaland, waxa uuna xusay in wax badan laga qabtay deegaanada Jubaland ee xorta ah, isagoo si gaar ah carabka ugu dhuftay adeegyada caafimaadka, waxbarashada iyo dib u dhiska adeegyada bulshada.

DSC_0544-1024x683 kulan kismaayo 1 kulan kismaayo

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.