Faahfaahin: Xildhibaan lagu weeraray magaalada Muqdisho

muqdisho

Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhaawacantay weerar loo adeegsaday bambo oo lagu qaaday guriga mid ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya.

Weerarkan ayaa fiidnimada caawa ka dhacay xaafadda Hodan, dadka dhaawacmayna waxaa la sheegay inay ka tirsan yihiin ilaalada xildhibaanka.

Wararkan oo aanu goor dhowayd ka helnay magaalada Muqdisho ayaa sheegaa in qarax bambo gacmeedka kadib ay rasaas rideen ciidamada xidhibaanka.

Xildhibaanka gurigiisa la weeraray oo lagu magacaabo Aadan Ibraahim Dhaayow ayaa la sheegay inuu bad qabo, sida uu VOA u sheegay Taliyaha Saldhigga Booliiska Hodan Gaashaanle Xuseen Maxamed Cabdi.

Dhaawacyada ayaa loo daad gureeyey cisbitaallada Muqdisho.

Ilaa hadda cidi ma sheegan mas’uuliyadda weerarka, hase yeeshee ururka Al-Shabaab ayaa inta badan sheegta mas’uuliyadda weerrada lagu qaado xildhibaannada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.