Wargeyska Daily Nation ”Kenya oo Heshiis la gashay Beesha Sade”

Wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa dalka Kenya ayaa lagu qoray in dawlada Kenya iyo qaar ka mid ah beelaha dega xaduuda u dhaxaysa Soomaaliya iyo Kenya ay ku heeshiiyeen in la iska kaashado dagaalka ka dhanka ah Al-Shabab.

Wasiirka arrimaha gudaha Kenya Joseph Nkaissery ayaa u sheegay warbaahinta dalkiisa in Sadexdii cisho ee lasoo dhaafay ay la kulmeen madax horey u soo maray dalka oo kasoo jeeda beesha Mareexaan ugu dambeyna ay kula heshiiyeen in la abuuro jawi wada shaqeyn ah oo dhex mara dawlada Kenya iyo beesha Mareexaan  sida uu yiri.

Wasiirku waxaa uu sheegay in qodobada ay kula heeshiyeen shaqsiyaadka beeshaan matalayay ay ka mid yihiin in laga wada shaqeeyo amaanka xaduuda u dhaxaysa Soomaaliya iyo Kenya oo uu sheegay inay dhawr jeer weeraro ka geysteen dagaalamayaal Al-Shabab ka tirsan.

Wasiirka arrimaha gudaha Kenya oo inta uu hadlayay soo hadal qaaday arrinta ku saabsan darbiga ay dawlada Kenya ka dhisayso xadka ay Soomaaliya la wadaagto uu saameyn ku yeelan doonin isku socodka dadka hase ahaatee looga hortagayo weerarada Al-Shabab ay geystaan.

“Waxaa la hubin doonaa shaqsiyaadka ka gudbaya xaduuda oo ma saameyn doono isku socodka dadka” ayuu yiri Joseph Nkaissery wasiirka arrimaha gudaha Kenya.

Kulankaas dadka ka qeyb galay waxaa ka mid ah R/wasaarayaal dalka soo maray oo beesha Sade kasoo jeeda, xildhibaano iyo ganacasato.

R/wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo kulankaas ka hadlayay ayaa ku macneeyay kulankaas mid wada shaqeyn u abuuraya bulshada xaduudaha dega iyo dawlada Kenya.

“Ujeedka shirkaan waxaa uu ahaa in kalsooni laga dhex abuuro beesha Mareexaan iyo dawlada Kenya si amaanka loo sugo” ayuu yiri Cabdi Faarax Shirdoon Saacid R/wasaarihii hore ee Soomaaliya.

Dawlada Kenya ayaa horey beesha Sade ugu eedaysay  inay wax ka abaabuuleen weerarkii askarta badan dawlada Kenya looga laayay ee ka dhacay degaanka Ceel-Cadde bilowgii Sanadkaan.

1 Comment

  1. Magaceygu waa Mohamed jooga mgaalada Shenyang ee Dalka China.
    Run ahaantii maxumo In Aan laheshiino Dowlad anagoo Qabiil kaliya, blse waxaan qabaa anigu ladagaalanka Al-shabaab inuu nagu yahay Xad gudub aad iyo aad u weeyn sababtoo ah, Daraad markey Kenya naga ceesrisay Kismaayo, ragii Magan galyada nasiiyay waxy ahaayeen Shabaab.
    Maanta inaan Ladagaalno shabaab anagoo garabsiineena kenya waa xad gudub aad iyo aad u weeyn ee odayaasha mareexanoow kafiirsada Arintaan oo haku dagdagina.
    Odayaal mrkn leeyahy ula ma jeedo Kuwa calooshood u shaqeestayaasha ee Dibada uga yimid ama dalkaba u jooga heshiiskaan in ay wax lacaga kahelaan.
    Mhdsnid Gedotimes.com

Leave a Reply to ENG MOHAMED Cancel reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.