Degdeg: Munaasabadda lagu Shaacinaayo Heshiiskii Ay Wada gaareen Beesha Sade iyo kenya oo Madaxtooyada Dalkaasi ka dhaceysa Goordhaw.

deg

Goordhaw oo galabta ah ayaa lagu wadaa in Kulankii Nairobi ka socday Sadexdii Maalmood ee lasoo dhaafay una dhaxeeyey beesha Sade iyo Doweladda Kenya in lasoo gabagabeeyo.

Afhayeenka Shirka Mudane Dhagaweyne oo Gorodhaw Gedo Times la hadlay ayaa inoo Xaqiijiyey in dhamaan wixii laga wada hadlay la isku afgartay WarMurtiyeedkane ay gorodhaw soo saarayaan.

Warmurtiyeedka ayaa la qoray waxaan Goordhaw la filayaa in Xarunta Madaxtooyada munaasabad ka dhaceysa oo heshiiska lagaaray lagu shaacinaayo uu goobjoog ka noqon doono Madaxweynaha kenya Uhuru Kenyatta, inkastoo  heshiiska ay dhinacyada u kala saxiixi doonaan Wasiirka arimaha Gudaha Kenya Dr Joseph Nkaserry iyo Dhinaca Beesha oo ay u saxiixi Doonaa Raisal Wasaarayaasha kala ah Cabdiwali Sheekh Axmed iyo Saacid Faarax Shirdoon, iyo Ugaaska Guud ee Beesha Sade Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi Ugaas Xirsi.

Dhaqangalinta Heshiiska ayaa waxaa masuul ka kala noqonaya Ugaaska Beesha iyo Wasiir Nkaserry.

Gedo Times ayaa Diyaar idiin la ah Soo gudbinta Warmurtiyeedka oo Qoraal ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.