Wakiillada Somaliland oo muddo kordhin u sameeyay guddiga ansixinta ururrada iyo xisbiyada

Golaha Wakiillada maamulka Somaliland ayaa muddo 2 sanno ah ugu daray guddida ansixinta ururada iyo xisbiyada ee ka jira deegaannada maamulkaasi.

 

Fadhi ay maant yeesheen Golaha Wakiillada Somalilad oo uu shirguddoominayay Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax, islamarkaana ay ku sugnayeen 47 Xildhibaan, waxay mudanayaashu cod gacan taag ah ku meelmariyeen muddo xilkeed 2 sanno ah oo loo kordhiyay Guddida Diwaangelinta ururada iyo ansixinta Axsaabta, waxaana ogolaaday 44,  halka 3 mudane ay ka aamuseen, Guddoomiyuhuna muu codayn.

Xoghayaha guud ee Golaha  Wakiilada Cabdirisaaq Sicidi Ayaanle ayaa Xildhibaanada u akhriyay Digreetada Madaxeynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo u soo gudbiyay Golaha ee  uu muddada ugu cusboonaysiisyay Guddida Diwaangelinta Ururada Siyaasada iyo Ansixinta Axsaabta.

2011 ayaa madaxweyne siilaanyuo uu magacaabay guddidan   oo ka kooban 7 xubnood oo laga soo kaa xulay  qaybaha kala duwan ee bulshada  waxayna shaqadii ugu horaysay ee ay qabteen ay ahayd in ay kala saareen urur siyaasadeeyadii Somaliland ka billowday 2012kii

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.