Obama ”Ciidamo lugta ah ayaan u dirayaa dalka Suuriya”

Madaxweynaha dalka Maraykanka Obama ayaa ku dhawaaqay in ciidamo dheeraad ah uu dalkiisa u dirayo wadanka Suuriya xilli dhowaan uu shaaciyay in arrintaasi tahay qalad weyn.

Obama ayaa iclaamiyay isniinta maanta ahi in 250 askari oo dheeraad ah oo howlgallada gaarka ah loogu tala galay inuu Maraykanka u diri doono Suuriya asbuucyada soo socda.

Suuriya waxaa kamid ah jooga ciidamo ka socda Raashka oo siyaasad ahaan ay isdiidan yihiin Maraykanka.

“Waxaan hadda caddeynayaa in taageero dheeraad ah oo lagaga hortagayo Daacish inaan u dirayno Siiriya, waxaan go’aansaday inaan kordhinno ciidamada Maraykanka ka jooga dalkaas, waxaa jiray tiro yar balse iminka waxaan u diraynaa ciidamo lugta ah oo ka howlgalaya  Suuriya” ayuu yiri Madaxweynaha dowladda Maraykanka.

Kooxda isku magacowday khilaafada Islaamka ee Daacish ayaa awood iyo saameynba ku leh dalalka Ciraaq iyo Suuriya oo wadamada reer galbeedku oo ay horreeyaan Marayakan iyo Raash ay faragalin ku hayaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.