Guddiga doorashada Puntland oo guddoomiye cusub doortay

Golaha Wakiilada ee Puntland oo isugu yimid kalfadhi aan caadi ahayn ayaa ansixiyey guddiga doorashada oo la magacaabey bishii Feberaayo, tan iyo markaasna sugaayey in shaqada loo fasaxo.

Guddiga Doorashada ayaa maanta shirkoodi doorashada waxa uu ka dhacay xarunta PDRC, waxaana ay guddoomiyaha guddiga doorashada u doorteen Axmed Maxamed Cali (Axmed Kismaayo) oo horey u ahaan jirey suxufi ka soo shaqeeyey meelo kala geddisan.

Axmed Maxamed Cali (Axmed Kismaanyo) ayaa xilkaan kaga guulaystay siiciid Maxamed xirsi iyo Cabdirasaaq Xuseen Gacayte waxaana uu axmed kismaanyo helay codad gaarayah 5 cod sida uu ku dhawaaqay xoghayaha guddiga doorashooyinka Puntland.

Xilka gudoomiye kuxigeenka Puntland ayaa waxaa sidookale ku tartamay Maxamuud Soofe Xasan Drs.Naciimo oo ah gabadha kaliya ee ku jirtah guddiga doorashooyinka Puntland waxaana xilka gudoomiye kuxigeenka ku guulaystay Maxamuud Soofe Xasan oo helay isna 5 cod.

Guddigan oo ka kooban sagaal xubnood ayaa waxaa lagu soo dhaariyay aqalka madaxtooyadda, waxaana goob joog ahaa madaxwayne ku xigeenka iyo Afhayeenka Baarlamaanka Puntland waxxaana gudigaan hor yaala howlo badan.

Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Doorashada ayaa loo doortey Maxmuud soofe Xasan oo isagu horeyna uga mid ahaan jirey guddigii doorashada ee la kala direy sanadkii 2013.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.