XOG: Maxaa ka jira Wararka Sheegaya in Shirka Nairobi Ka socda looga Hadlay Arimo Quseeya Darbi laga dhiso Xuduuda Kenya iyo Soomaaliya.

Magaalada Nairobi waxaa Maalintii labaad ka soconaya Kulankii U dhaxeeyey beesha Sade iyo Dowladda Kenya, kaasi oo looga wada hadlayay arimo quseeya labada dhinac.

Kulanka waxaa siwadajir ah u shir gudoominayay Ugaaska Beesha Sade Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi Ugaas Xirsi Raisal wasaarayaal Hore Cabdiwlai sheekh Axmed iyo Shirdoon, iyo dhinaca kenya oo uu horkacayay Wasiirka Arimaha Gudaha ee Kenya Dr Joseph Nkaserry.

Iyadoo shirka ilaa iyo hadda xogta ay heleyso Gedo Times ay Sheegayaan in la isku afgartay Dhamaan Qodobadii laga wada hadlay, ayaa Hadane Afhayeenka Shirkaasi Mudane Maxamed Cumar Cilmi “Dhagaweyne” wuxuu beeniyay war ay baahiyeen warbaahinno mucaarad ah oo ku saabsanaa in arinta Xuduuda iyo darbigii kenya ay qorsheyneysay in ay deegaanada xadka dhaco ka sameyso laga wada hadlay.

Dhagaweyne Ayaa Yiri ” Waa Been iyo daacayad in laga wada hadlay Wax ku saabsan Darbi dhisitaan Ajandahane maba kujirin, Wixii laga hadlay ayadoo Qoraal ah Barri ayaan soo saareynaa si wadajir ahne loo kala saxiixan donaa” Ayuu kuyiri Hadal uu Gedo Times Siiyay.

Qaar kamid ah Warbaahinada ay ku adeegtaan Kuwo kasoo horjeeda Midnimada Beesha Sade iyo wada xaajoodyada ay laleedahay Dowladaha Dariska ayaa dacaayadaasi faafiyay mana ahan Ajande laga wada hadlay sida uu markale Gedo Times u sheegay Mudane Dhagaweyne oo hadda ah Afhayeenka SHirkan Nairobi ka socda.

Akhriyaasha Gedo Times waxaan u balanqaadeynaa in warmurtiyeedka OO barito si wadajir ah loosoo saaraayo in aan u soo gudbino isagoo Qoraal iyo Muuqaalba leh.

Wixii kasoo kordha shirarka Nairobi ha moogaan Gedo Times.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.