Warbixin+Sawir: Khudaarta cagaaran oo sare u kacday magaalada Boosaaso

khudar

Sare ukac wayn oo dhinaca khudaarta ah ayaa laga dareemayaa suuqyada waaweyn ee boosaaso kuwaasoo saameyn ku yeeshay dhaqdhaqaaqa wax kala iibsiga ee suuqa,

Sare u kaca iyo qiimo kororka ku yimid sicirka khudarta ee suuqyada Boosaaso ayaa mudooyinkan la dareemayey, iyadoo arrinta ay saameyn ku yeelatay dhaqdhaqaaqi wax kale iibsiga ee suuqyada gaar ahaan dadka  danyarta oo si weyn wax uga iibsada suuqa.

Inkastoo sare ay ukacday khudaarta laga iibiyo suuqa ee dadka raashinka ku karsadan, hadana waxyaabaha sida weyn loo dareemay waxaa kamid ah qiimaha yaanyada oo sare ukacay intii horey loogu iibsan jiray, iyadoo rubici yaanyada uu yahay haatan 15kun halki marki hore uu ka ahaa 8 kun, arintaas qoysas badan ay dareemeen.

Sare ukaca qiimaha khudaarta gaar ahaan yaanyada ayey ganacsatadu ku micneeyeen inay sabab u tahay abaaraha iyo roob la’aanta kajirta qaar ka mid ah gobollada dalka, waxayna intaas ku dareen inay kala badantahay baahida dadka iyo khudaarta suuqa taalla, sida uu leeyahay feysal cabdi cali oo kamid ganacsatada khudaarta..

Qiimaha sare u kacay ee khudaarta suuqyada Boosaasoayaa saameyn kuyeelatay ganacsatada oo nolol maalmeedkooda ka hela ganacsiga khudaarta, waxayna sheegeen in in maadaama khudaarti ay sare ukacday ay yaraadeen dadka ka iibsan jiray khudaarta maadaama ay danyar u badnyaayeen sida ay sharaxeyso faadumo aadan oo kamid ah haweenka khudaarta iibiya,

Sare ukaca qiimaha khudaarta ee boosaaso ka sokow qoysaska danyarta ah e magaalada degan waxaa aad u dareemay baararka iyo maqaayadaha waaweyn ee cuntooyinka laga cuno, waxaana dad badan oo aan arintan wax ka weydiinay ay rajeynayaan inuu isbadel ku yimaaday qiimaha khudaarta.

khudaarta

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.