Wasiir ku-xigeenka gaashaandhigga oo la kulmay Wasiirka difaaca ee Turkiga

Wasiir ku xigeynka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdalla Xuseen oo ay wehliyaan madaxa hogaanka saadka ciidanka xoogga dalka Soomaaliya iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa magaalada Ankara ee xarunta dalka Turkiga kula kumey dhiggiisa Turkiga.

Mas’uuliyiintan ayaa kawada hadlay arrimo badan oo muhiim ah, kuwaasoo ay ka mid yihiin siidi Wasaaradda gaashaandhigga Turkiga gacan uga geysan lahayd dib u dhiska Xarunta Wasaarada difaaca Soomaaliya, labada mas’uul ayaa waxa ay sidoo kale ka wada hadleen xoojinta ammaanka xeebaha Soomaaliya oo dhawr mar laga qabtey hub sid sharci darra ah ugu soo socdey kooxaha nabdiidka, waxana labada mas’uul ay isku raceen in la dhiso ciidamada badda oo loo dhameeystiro qalabka.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane Cabdalla Xuseen ayaa sheegey in Wasaarada difaaca ee Turkiga ay kala hadleen tababbarada ciidamada xoogga dalka iyo in ay ka tageeraan la dagaallanka kooxaha argagixisada iyo in dib loo soo nooleeyo hantidii uu lahaan jirey ciidamada xoogga dalka oo ay ka mid yihiin Warshadihii ciidanka xoogga dalka.

Wasiirka gaashaandhigga Turkiga, Cismad Yalmas ayaa ballan-qaaday inuu gacan ka geysan doono dadaallada ay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ugu jirto dib u soo nooleynta ciidamada Xoogga dalka ee Soomaaliya.

Turkiga ayaa horay u ballanqaaday inuu Soomaaliya ka taageerayso dib u dhiska ciidamada iyo qalabeyntooda, iyadoo Turkiga ay ka midtahay dalalka sida tooska ah u caawiya dowladda Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.