(Sawirro) Puntland oo qadasho sharaf u sameysay nin sheegtay madaxweynaha Bakool Sare

Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng. Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey ayaa maanta 24-April-2016 waxa uu qado sharaf u sameeyey Madaxweynaha maamul goboleedka Bakool Sare  Axmed Maxamed Mashruuc iyo wafti ballaadhan oo uu hoggaaminayey.

Waftiga ayaa waxaa kamid ahaa Ugaaska Guud ee Deenaadana Bakool Sare Ugaas Xuseen Ugaas Cabdi Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif iyo xubno ka tirsan maamulka Bakool Sare, sidoo kale dhinaca Puntland waxaa qado sharfta kasoo qayb galay guuddoomiye ku-xigeenka labaad ee Baarlamaanka Puntland iyo xubno ka tirsan labada gole ee dawladda Puntland.

Ujeedka socdaalka Madaxweynaha Bakool Sare iyo waftigiisa ayaa salka ku haya marti-qaad rasmi ah  ay  ka heleen Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas isla markaana ay doonayaan muddada ya ku sugan yihiin Puntland in ay ka faa’iidaystaan waayo –aragnimada gaamurtey ee dawladda Puntland ee dhinacyada dhismaha hay’adaha dawladda iyo sarraynta sharciga ee ka jirta Puntland.

Madaxweynaha Maamulka Bakool Sare ayaa kusimaha Madaxweynaha Puntland uga mahadcliyey sida qiimaha leh ee ay usoo dhoweeyeen iyo sidoo kale taageeradii ay dawladda Puntland hore ugu fidisay maamulka Bakool Sare xilligii ay u baahnaayeen garab istaagga ee la yagleelay.

Sidoo kale Madaxwyne Axmed Mashruuc waxa uu sheegay in uu doonayo Puntland in ay ka  wadatashadaan qaabkii maamulka Bakool Sare uu uga qayb-qaadan lahaa doorashada 2016-ka iyo qaabka xulista labada aqal ee baarlamaanka dawladda Federaalka Soomaaliyeed.

Ugu dambayntii Madaxweyne Axmed Maxamed Mashruuc ayaa sheegay in maamulka Bakool Sare uu markii hore ka tirsaan maamulka kumeel-gaarka ah ee Koonfur-Galbeed isla markaana ay aayohooda ka tashadeen markii ay maamulkaasi kala kulmeen caddaalad darro iyo gabbood fallo ka dhan ah xuquuqul aadanaha.

Kusimaha Madaxweynaha Puntland Eng. Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan Madaxweynaha Bakool Sare iyo waftigiisaba isla markaana ay dawladda Puntland diyaar u tahay inay soo dhoweyso dhammaan ummadda Soomaaliyeed maadaama ay tahay hooyada Federaalka Soomaaliya.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Bakool iyo Puntland IMG_6578 IMG_6595 IMG_6598 IMG_6603 IMG_6611

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.