Dhageyso: Khaatuma oo diiday in Puntland ay soo xusho baarlamaanka Sool iyo Sanaag

Maamulka Khaatuma State ayaa sheegay in aysan raali ka noqon doonin in Puntland ay soo xusho xildhibaannada baarlamaanka cusub ee goballada Sool iyo Sanaag.

Wasiirka xanaanada xoolaha Khaatuma Maxamuud Cali Faarax oo ku sugan Buuhoodle ayaa  waxa uu sheegay in Khaatuma ay u madaxbannaan tahay soo xulista xildhibaannadeeda.

Wuxuu sheegay in dowladda federaalka waxyaabaha ay ka tirsanayaan oo ay xiriirka ugu jareen inay ka mid tahay u aqoonsasho la’aanta Khaatuma maamul ka taliya goballada Sool iyo Sanaag.

Waxa uu tilmaamay wasiirka in arrinta la isku hayo oo ah soo xulista baarlamaanka goballada Sool iyo Sanaag in aysan aqbali doonin in Puntland arrintaasi laga la xaajoogo

Hoos ka dhagayso codka:

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.