Dhageyso: Wasaaradda dastuurka dowladda FS oo Muqdisho ka daah furtay kulan looga hadlayo……

Wasaaradda dastuurka federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho waxay ku daah furtay kulan looga hadlayo arrimaha dastuurka kaa oo socon doona muddo labo maalin ah.

Kulankani waxaa ka qeyb galaya qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka kuwaasoo ka aragtiyo dhiibanaya, waxaana jira masuuliyiin matalaysa maamullada dalka oo iyana qeyb ka ah kulanka.

Wasiirka dastuurka xukuumadda Somalia ayaa Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen ayaa sheegay in shirkani uu daba joogo shir la qabtay sanadkii la soo dhaafay.

Wuxuu sheegay in  muhiimadda shirkani uu yahay sida bulshada uga qeyb gali karto horumarinta arrimaha dastuurka iyo wacyigelintiisa, iyadoo sidoo kale loo diyaargaroobayo shirweyne qaran oo arrimo la xiriira dastuurka looga hadlayo kaasoo lagu qaban doono bisha ina soo aadan.

Halkan ka dhagayso:

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.