Dhageyso: Faahfaahin Alshabaab oo qaraxyo ismiidaamin ah ka geystay Buurhabaka

Maamulka degmada Buurhabaka ee gobalka Bay ayaa faahfaahin ka bixiyay howlgallo ciidamada Koonfur Galbeed ay ka sameeyeen deegaanno duleedka ka ah degmadaasi.

Guddoomiyaha degmada Buurhabaka Maxamed Cabdulqaadir ayaa sheegay in howlgalladani intii ay socdeen ay dhaceen qaraxyo ismiidaamin ah kuwaasoo daryankooda laga maqlay duleedka Buurhakaba.

Guddoomiyaha ma uusan carrabaabin inta qarax ee dhacday balse wuxuu sheegay in ciidamada ay la kulmeen iska caabin kaga timid  Xarakada Alshabaab, isla markaana iminka ay deegaanka iyaga gacanta ku hayaan.

Wuxuu sheegay in Alshabaab ay kala wareegeen deegaanno ku yaalla duleedka Buurhakaba oo ay maamulaysay.

Halkan ka dhagayso:

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.