Xog Degdeg ah : Ciidamadii Beesha Sade ee Ku sugnaa Cadaado oo Faarujiyay Xeryihii ay daganaayeen, “Akhriso Sababta”

Waxaa Caawa gabi ahaanba Magaalada Cadaado soo faarujiyay Ciidamadii Dowladda ee kasoo jeeday beesha Sade ee dhawaanahan Halkaasi ku sugnaa kuwaas oo ka tirsanaa xerada 21-aad ee ciidanka xooga dalka soomaaliyeed.

Ciidamadani ayaa u ruqaansaday Degmada Caabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud, iyagoo aan cidne u sheegin guuritaankooda ayeyna baneeyeen xeryihii ay daganaayeen.

Sababta ugu weyn ee ay u soo faarujiyeen xeryahii ay daganaayeen ayaa ah in aysan isku haleyn ku qabin Maamulka Cadaado, oo ciidamo badan labadii maalmood ee lasoo dhaafay looga laayay Degaanka Daacdheer ee gobolka Galgaduud.

Mid kamid ah Saraakiisha Ciidamada oo la hadlay Gedo Times ayaa Yiri, “ Walalow waa ka guurnay Cadaado deegaankeena iyo waqooyiga galgaduud ayaana dib ugu laabanay, Sababta ugu weyne waa inagoo ka baqnay qaab aargoosi ahaan ah inta naloo soo weeraro inaan go’doon ku galno halka aan ka soo guurnay, waxaad ogtahay waxa daacdheer ku gaaray Beesha Cadaado, inagune raga hogaaminayay Ciidamada Deegaanka ee ay Galmudug dagaalameen isku hayb ayaan nahay Sidaas ayaana u soo aag badalanay ayuu Yiri ” Korneyl diidnay in Codkiisa iyo Magiciisaba Warbaahinta aan u adeegsano.

Si Kastaba tani ayaa bilow horleh u noqoneysa Burbur ku yimaada Maamulka Galmudug oo aan awalba loo dhameyn beelo badan oo deegaanadaasi kasoo jeedane ay ka hor imaadsanaayeen.

Wixii kusoo kordha kala soco wararkeena Dambe.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.