Barakacayaal Mudug ku nool oo biyo la’aan ka cabanaya

Dadkii ka soo barakacay deegaannada Kaxandhaale iyo Dacdheer oo ku sugan qeybo kamid ah gobalka Mudug ayaa ka cabanaya xaalado dhanka nolosha ah.

Dadkani oo ku sugan deegaanno ka fog fog magaalooyinka ayaa waxaa heysta xaalado isugu jira biyo la’aan, caafimaad darro iyo raashin la’aanba.

Maryan Sheekh Xasan Jaamac oo kamid ah ururrada bulshada gobalka Mudug oo muddooyinkii dambe waday dadaallo loogu gurmanayo dadkaasi ayaa  sheegtay  in dadkani waxa ugu daran ay yihiin biyo la’aan.

Waxay sheegtay in biyo dhaamin ay u sameeyaan iyadoo bulshada gobalka Mudug iyo dadyow kale ay isku xilqaameen u gurmashada dadkaasi.

Wararka laga helayo Kaxandhaale iyo Dacdheer oo ku yaalla xuduudda uu gobalka Galgaduud la wadaago Itoobiya weli waxaa ka taagan colaad beeleed saameyn ku yeelatay nolosha dad badan oo degganaa deegaannadaasi.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.