DEGDEG DAAWO: Bulshada magaalada Kismaayo oo fariin digniin ah loo diray(Akhriso)

Maamulka Jubbaland ayaa mamnuucay in ragga iyo Haweenka ay hal meel kaga wada dabaashaan Xeebaha magaalada Kismaayo, arrintaan ayaa ah mid ay aad u soo dhaweeyeen qeybaha kala duwna ee bulshada Muslimka ah ee Soomaaliyeed.

Amarkaan uu soo saaray Maamulka Jubbaland ayaa imaanaya xili maalmihii ugu dambeeyay ay xeebaha magaalada Kismaayo kusoo badanayeen ragga iyo Dumarka wada dabaalanayaa arrintaasoo ah mid ka mamnuuc ah Diinteena Islaamka ah.

Banaanka kore ee laga galo xeebaha magaalada Kismaayo gaar ahaana Xeebta Liido oo ay dadku ku badan yihiin ayaa lagu dhajiyey boorar ragga iyo dumarka looga digayo arrintaasi, ayadoo cidii lagu qabto ay muteysan doonto ciqaabsharciga waafaqsan.

sawir xeebta kismaayo

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.