Wasaaradda caafimaadka dowladda FS oo ku baaqday in la furo waddooyinka xarumaha caafimaad

Wasaarada Caafimaadka Xukuumada Federaalka ayaa Maamulka Gobolka Banaadir ka codsatay Maamulka Gobolka Banaadir in la furo wadooyinka Xaruumaha Caafimaad.

Arintan ayaa Wasaarada waxa ay ku sheegtay  in looga baaqsan karo in  Dadka Soomaaliyeed  ay waxyeelo soo gaarto, iyaga oo raadinaya wado ay u marayaan xarumaha Caafimaad oo meelaha qaar ay xiran yihiin

Hadalkan waxa Maanta  oo arbaca ah saxaafada  u sheegay Wasir ku xigeenka Wasaarada Caafimaadka Cismaan Maxamed Daallo oo xusay  in ay jiraan wadooyin xiran oo tagta goobaha Caafimaad ee Magaalada Muqdisho.

Waxaa jira wadooyin kamid ah kuwa magaalada Muqdisho oo u xiran ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Waddooyinkaasi waxaa ku jira kuwa loo maro isbitaallada ugu waa weyn ee magaalada Muqdisho.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.