Askari Ka Tirsan Ciidamada dowlada oo Qof Shacab ah ku Dilay Degmada Dolow.

dil

Wararka uu Gedo Times Ka Helayo Magaalada Dolow Ayaa Shegayo in Askari Ka tirsan Ciidamada Dowlada Si Barere ah in Magalada uu ugu Dilay Qof Shacab ah.

Qofka Shacabka ah ayaa gedo Times Waxaa Logu Sheegay inuu Ka shaqeynaya Mid Ka mid ah Hayadaha Ka shaqeyo Dolow.

Sababta Dilka ayaa lagu sheegay in ay isku qabteen kiro guri ka dib markii guri uu rabay askari Qofka Shacabka ah uu ka hor kireysatay Ka dibana uu dilay .

Dilka Ka dib ayaa La sheegay in Askari goobta uu Ka Baxsaday Xallada Magaalada ayaa saaka Kacsan , Maamulka Dolow ayaa Wali Ka Hadlin Dilka Ka dhacay Magaalada ,

Arintaan ayaa imaaneyso Ka dib Markii Shalay Magaalada Balad- Xaawo uu Sidaas oo Kale Askari ugu Dilay Timo Jare.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.