XOG: Janaraal Fartaag oo Addis Ababa looga Yeeray kadib Diidmadii Axmed Madoobe uu diiday in uu halkaasi gaaro.

Waxaa Maanta Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho transit kusoo maray Madaxweyne Kuxigeenka Jubaland Janaraal Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, kaas oo ku wajahnaa Magaalada Addis Ababa.

Jananka ayaa looga yeeray magaalada Addis Ababa kadib safar la doonayay in uu halkaasi ku tago Axmed Madoobe oo uu diiday in uu aado, ayaa jananka lagu casuumay in uu addis ababa tago.

Garoonka Muqdisho qeybta VIP-da waxaa kusoo dhaweeyey Lix mudane oo ka tirsan baarlamaanka Federaalka iyo Wasiir Kuxigeenka Dakadaha iyo gaadiidka Badda Xildhibaan Axmed Daqarre, iyagoo kawada arinsaday safarka uu u socdo, iyo natiijooyinka laga filan akro.

Inkastoo aan warfidiyeenada lagu wargalin waxyaabihii kulankaasi degdega ah looga hadlay hadane, Jananka ayaa balan qaaday in Masuuliyiinta uu kula soo gurya noqon doono, natiijooyinka Kasoo baxa kulanka Addis Ababa ka dhacaya ee Lagu Casuumay.

Safarka Janaraal Fartaag ayaa imaanaya Xilli Xiriirka Itoobiya iyo Axmed Madoobe uu Xumaaday, iyadoo itoobiya iminka u aragto in gacanteed auu ka abxay Axmed Madoobe o oay horay iyadu meesha u geysay, lamana oga waxa ay si rasmi ah uga wada ahdl idoonaan fartaag iyo itoobiyada casuuntay.

Sawiradii kulanka Muqdisho wali inooma suuragalin in aan helno Balse jabuuti oo uu Transit kale ku ahaa ayuu kula kulmay Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir, iyo Wasiirka Warfaafinta ee Galmudug Masagawaa.

wixii kusoo kordha Siyaasadda Jubaland oo Waji Cusub yeelatay kala soco Gedo Times insha allah.

fartaag

fartaag2

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.