XOG: Axmed Madoobe oo si cad u diiday in uu Tago Addis Ababa, iyo Itoobiya oo xiriirka U jartay.”Warbixin”

Hogaamiyaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa iska diiday in uu aado safar addis ababa ah oo looga yeeray, kadib markii tliyaha ciidamada itoobiya ee Jubaland Korneyl Satisfy uu ku wargaliyay in madaxda Itoobiya ay u sheegeen in uu halkaas yimaado.

Axmed Madoobe ayaa ku jawaabay, “Uma socdo Itoobiya deegaankeyga jubaland ee aan madaxweynaha ka ahay ayaan joogaa, una sheeg qolada kutiri axmed hayimaado in aanan soo socon” ayuu kuyiri korneylkii u sheegay in itoobiya looga yeeray.

Arintan yeeritaanka ayaa ka dambeysay kadib maalmo kahor markii shir ka dhacay madaxtooyada Kismaayo ay Axmed Madoobe iyo korneyl satisfy isku fahmi waayeen qorshe uu axmed watay oo ahaa in ciidamadii dhawaan lasoo xareeyey Hub ka dhigis lagu sameeyo.

Taliyaha ayaa dowladiisa u sheegay in axmed madoobe amar diido iyo madaxtaag uu layimid, sidaas darteedne ay tahay arin mudan in si degdeg ah wax looga qabto, inkastoo uusan carabaabin waxkaqabashada nooca ay noqon karto.

waa talaabo halisteeda leh diidmada Axmed Madoobe uu iska diiday tagitaankiisa Itoobiya, Bacdamaa itoobiya ay aheyd qoladii meesha isaga keentay kana dhigtay Hogamiyaha Jubaland, sidoo kale waa arin ku cusub saaxadda siyaasadda ee Soomaaliya in hogaamiye soomaali ah uu amar itoobiya kasoo baxay Iska diido, inkastoo hal hogaamiye oo soomaaliyeed uu horay talaabadaasi geesinimada leh u qaaday kaasi oo ahaa Raisal Wasaare Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Wixii kusoo kordha kala soco wararkeena dambe.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.