Dhageyso : Warbixin ku saabsan Roobabka Guga ee Ka Curtay Gobolka Gedo oo Khasaare Maal iyomid hantiyeedba Geystay.

Roobabkii Guga oo ka curtay Qeybo badan oo kamid ah Gobolka Gedo, iyadoo deegaanada qaar lasoo warinaayo in roobabka ay qasaaro geysteen.

Degmada Buurdhuubo ayaa lasoo warinayaa in ku dhawaad 200 oo neef oo ari ah ayey roobabka la tageen, kuwaas oo cayr ay iminka yihiin dadkii lahaa xoolahaasi oo awalba la daalaa dhacayay dhibaatadii abaartii baaxadda laheyd ee Gobolka kajirtay ay saameysay.

Sidoo kale deegaano hoostaga Baledxaawo iyo Doolow ayaa iyagune waxaa ka da’ay roobab lixaad leh, kuwaas oo iyagune ay xoolo kale ohorleh ku dhamaadeen inkastoo tiro aan la cayimin ay ku dhinteen roobabka ka da’ay labadaasi Degmo.

Wariyaha Gedo Times ee Gobolka Gedo Shariif Axmed Taajir oo Safar shaqo ku jooga Degmada Doolow ee Gobolkaasi ayaa warbixin arintan la xiriirta kasoo diray Degmadaasi Doolow.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.