Dhageyso: Kulan looga hadlayay Isdhexgalka Bulshada oo lagu qabtay Degmada Doolow ee Gobolka Gedo

Kulan ay soo qabanqaabiyeen dhalinyarada deegaanka ee Degmada Doolow ee Gobolka Gedo ujeedkiisuna ahaa sidii isdhexgalka bulshada looga shaqeyn lahaa, ayaa waxaa lagu qabtay gudaha Degmadaasi.

Kulanka inta uu socdo waxa ku tartami doona sideed kooxood oo ka dhisan Degmadaasi, kuwaas oo kakala imaanaya Xaafadaha Degmadaasi Doolow ee Waqooyiga Gobolka Gedo.

Wasiir kuxigeenka arimaha Gudaha iyo Amniga, ee Maamulka Jubaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan ayaa kulanka ay dhalinyarada soo abaabuleen ka qeybgalay isagoo ku baaqay in amaanka xooga lasaaro.

Dhalinyarada aya dhinacooda sheegay in kulamada caynkani oo kale ah ay joogteyn doonaan, sida uu warbixinta warkani doolow inooga soo diray Wariyaha Gedo Times ee Gobolka Gedo Shariif Axmed Taajir oo iminka hawlo shaqo u jooga Degmada Doolow ee Gobolka Gedo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.