Daawo: Wasiirada Caafimaadka Soomaaliya oo sheegtay in ay kaalin ka geysanayaan Dhismaha Isbitaalka Jaalle Siyaad ee Garbaharay

Xilli si hamsami leh uu u socdo DHismaha Isbitaal Jaalle Siyaas Hospital ee Magaalada Garbaharay, ayaa waxaa Kulan arintaasi looga hadlayay Qaabka Vedio Callka Uga qeybagshay Wasiirada Caafimaadka Dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

DRS Xaawo Xasan maxamed oo ah wasiradda Caafimaadka ee Dowladda Federaalka oo iyadoo itoobiya ku sugan Qeybta Wicitaanka Muquaalka uga qeybgaleysay Shir dhaqaale loogu aruurinayay Isbitaalka Jalle Siyaad Khudbad kajeedisay ayaa sheegtay in Xukuumadda Federaalka ay kaalin muuqato ka geysan doonto dhismaha iyo dib u dayactirka Isbitaalka.

Wasiirad Xaawo ayaa dhianca kale Bogaadisay Magaca loo bixiyay Isbitaalka oo ay ku timaantay in uu yahay Magac Qiimo ku fadhiya, Ree Gedo na ay uga mahadcelineyso in Madaxweyne Jaale Siyaad xusitaan looga dhigo ISbitaalkaas in loogu magacdaro,iyadoo carabka ku adkeysay in aysan aragba dowladnimo maxamed siyaad ka horeysay iyo mid ka dambeysay toona.

Ugu dambeyntiine ree Gedo ayey uga mahadcelisay sida wanaagsan ee ay isu abaabuleen iyadoo xustay in Dhismaha Isbitaalka Jaalle Siyaad ay noqoneyso Talaabo wanaagsan oo horay loo qaaday.

Hoos Ka Daawo Muuqaalka Wasiiradda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.