War Deg Deg: Askari Timo Jari Balad -Xaawo Ku dilay

Wararka Naga Soo Garayo degmada Balad Xaawo Ayaa Shegayo in Askari Ka Tirsan Ciidamada Dowlada uu Ku Dilay Degmadasi , Ganacsade Timo Jaraha oo ka mid ahaa Dad ku Nool Magaladaasi.

Warar Ayaa Intaas Waxa Ay Ku Darayaan in Askari in Timo Jaraha uu Soo Dhex Galay Muran dhinac Ganacsiga ah Ka dibn uu Xabad ku dhuftay.

Markii Ciidamo Ayaaa Goobta Garay Qaar Ka mid ah Dadka goob Jooga ah oo La Hadlay Gedo Times ayaa  u sheegay in Askariga uu Goobta Ka Baxsday Markii uu Dilka Geystay Ka dib Xaalad Ayaa sacadihii Hore Kacsaneyd inkasto Hada Xaalada Caadi Tahay.

Balad Xawo Wali Kama Dhaman Ku deg dega Daadinta Dhiiga Shacabka ah oo aan loo Helin Sharci Adag oo joojiyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.