Dhageyso: Shirkii baarlamaanka oo qalalaase uu hareeyay kadibna lagu kala kacay

Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta isku fahmi waayay ajande la horkeenay kaasoo uu markii dambe uu u baaqday shirkii baarlamaanka.

Ajandaha la horkeenay mudanayaasha baarlamaanka ayaa waxaa ugu horreeyay u codeynta mooshinka dib u dhigista maamul u sameynta goballada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Mudanayaasha baarlamaanka ayaa markii sidan oo kale qodob kamid ah ajandaha ay isku qabtaan ayaa wuxuu xeer hoosaadka u ogalaanayaa in qodobkaasi laga saaro ajandaha mar haddii loo helo cod ku filan.

Hase yeeshee ajandihii la horkeenay baarlamaanka ayaa u muuqday mid laga caga jiidayay meelmarintiisa si shirka baarlamaanka uu u furmo

Guddoomiye xigeenka koowaad Jaylaani Nuur ayaa ku dhawaaqay natiijada

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.