Dhageyso: Ciidanka dowladda oo qabtay dadkii ka dambeeyay dilal maanta ka dhacay Boondheere

Ugu yaraan 4 ruux ayaa ku dhimatay kuwa kalena way ku dhaawacmeen kadib dilal iyo qarax ka dhacay galabta  magaalada Muqdisho.

Koox hubeysan ayaa Degmada Boondheere ku dilay labo nin, intaas kadib ayaa waxaa Degmada Yaaqshiid ka dhacay qarax kadib markii la rasaaseeyay baabuur halkaasi socday.

Baabuurkani oo la sheegay inuu saarnaa ninkii dilka geystay ayaa isna halkaasi lagu dilay.

Dadka dhintay waxaa ku jira gabar ka ag dhoweyd halka uu baabuurka ku qarxay galabta ee degmada Yaaqshiid.

Afhayeenka maamulka gobalka Banaadir Cabdifataax Cumar Xalane  caawa wuxuu sheegay inay gacanta ku dhigeen raggii fuliyay dilalkii ka dhacay degmada Boondheere iyo guud ahaan magaalada Muqdisho iyo baabuur ay wateen inkastoo markii dambe baabuurka uu qarxay

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.