Dhageyso: MD ku xigeenka Galmudug ”waan ka tacsiyaynaynaa dhimashada dhallinyarada Soomaaliyeed ee badda”

Maamulka Galmudug ayaa sheegay in loo istaago ka hortagga qataraha tahriibka uu leeyahay si looga baaqsado dhallinta Soomaaliyeed ee badda ku dhimanaysa.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi ayaa sheegay inay ka xun yihiin dhallinyarada tahriibka shaqo ka dhigtay.

Wuxuu sheegay inay u tacsiyeynayaan dhammaan ehelada dadkii ay dhallinyardooda uga dhinteen badda u dhaxaysa Masar iyo Liibiya.

Madaxweyne Maxamed Xaashi ayaa sheegay in ay muhiim tahay in loo istaago dhallinyaradani tahriibka ku dhimanaysa sida looga hortagi karo.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.