AMISOM oo mar kale ka hadashay dhacdadii ay ku dileen dad shacab ah gobalka Shabeellaha Hoose

amisom

Midowga Afrika ayaa sheegay in ay ka xun yihiin dhacdadii ciidamadooda ay ku dileen dad shacab ah oo  saarnaa gaari rakaab ah oo marayay Gobolka Shabeelaha Hoose.

War ay soo saartay AMISOM ayaa lagu sheegay in  dhacadadaas ay ahayd mid ku dhacday si kedis ah oo Ciidamada gaarigaas ay u malaynayeen in ay saarnayeen  dagaalyanada Al Shabaab.

Shilkaan ayaa ka dhacay halka lagu magacaabo Buula Mareer oo ku taalla shabeelada hoose una jirta magaalada Muqdishu 80km.

Shilka lagu dilay dadka rayidka ah ayaa loo gudbiyey midowga Africa si baaritaan loogu sameeyo duruufihii dhaliyey toogashada

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.