XOG: Macalin Maxamed ” Fartaag Gacanteena waa ka baxay Sababtane anagaa iska leh Absamow”

Kulan Magaalada Kismaayo ku dhexmaray Beesha Absame, ayaa waxaa looga dooday arimo kusoo kordhay siyaasadda Beesha Bilihi lasoo dhaafay Sida Madasha laga sheegay.

Kulanka waxaa soo xaadiray masuulyiiin uu ugu horeeyo Wasiirka Arimaha Bulshada ee Maamulkaasi Macalin maxamed iyo Saraakiil kale oo ay kamid ahaayeen Seraar Afhayeenka Maamulka iyo Cabdirashiid Gooni Gudoomiyaha Gobolka Jubada Hoose.

kulanka ayaa intii uu socday Waxaa lagu soo hadal qaaday Madaxweyne Kuxigeenka Jubaland Janaraal Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo Masuuliyiin uu kamid yahay Macalin maxamed ay sheegeen in uu gacantooda ka baxay.

Sidaad la socotaan Fartaag Maalmahaan Dambe carcar ayuu lasoo baxay waad ogeydeen in Go’aan uu iskiis u gaaray uu kusoo xareyey Maleyshiyada Beeshiisa isagoo Amxaarada Kaashanaya, Dhibka waa inaga Waayo, ninkaas lacagtii aan siin jirnayne waa ka jarnay,Siyaasiyiin beeshiisa ah iyo asaga oon kala ilaalin jirnayne waa is arkeen iyo tan ugu daran oo ah jagadiisa oo lafaragaliyay” Ayuu Yiri Kayiri Madasha Kulanka Macalin Maxamed.

Masuulyiiin kale oo madasha ka hadlay ayaa iyagune ayiday hadalka Macalin Maxamed iyagoo sheegay in hadii larabo siyaasadda Beesha Sade in ay qasnaato in ay kala ilaaliyaan Fartaag iyo siyaasiyiintii waaweynaa ee Beesha Sade ee Dhawaan Kismaayo tagay.

Sikastaba Kulanka ayaa natiijooyin laga soo saray, iyadoo fulinta Qodobada kasoo baxayne la sheegay in la hordhigaayo Axmed Madoobe si uu wax uga qabto.

2 Comments

  1. Ilaah ka cabsada dadka a hs isku diri na oo colaad cusub Somali ha ku celin ana. Macalin maxamed saas ma odhan.

    Kenya iyo Ethiopia midna xal nooma hayo iska ilaa wa.

    Bar yahan wanaag baad ka hadli jirteen ee ha xumaa Nina.
    Askartan daba bar ayaa loo furi iyo dhaan celin waxaana lagu Dari ciidanka Jubbaland dagaalna wuu dhamaaday. .

    Askarga aan saa rabin waa xor.

  2. Macalin maxamed waxuu kamasuul yahay dilka,qabsiga,dadka bada lagu ridaaayo,gawraca guryaha laburburinayaao ee loogaysanaayo shacabka Jubbaland waana in maxakamad lakenaa askarta in tobabar loo furayuu kasoo horjeeda markay yimaadeen cunto in loogeeyo buu dadka ka hor istaagey webkaaana arintaaan been kama sheegin anagaa kismaayo jooga

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.