Degdeg: Labo Haween ah oo Goordhw lagu dilay Magaalada Muqdisho.

War hadda na soo gaaray ayaa sheegay in kooxo hubeysan ay ku toogteen labo gabdhood degmada Dharkeenley ee magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in ragga wax weerarray ay wateen baabuur isla markaana ay rasaas ku fureen gabdhahan oo seddax ahaa kuwaasoo la socday mootada loo yaqaano Bajaaj.

Mid ka mid ah gabdhaha ayaa la sheegay in ay dhimmatay halka midda kalena ay dhaawac tay oo isbitaal loola caray.

Gabdhaha la toogtay ayaa ahaa labo walaalo ah.

Waxaa goobta gaaray ciidamada ammaanka, waxaana durba goobta ka baxsaday kooxda weerarka geesatay.

Ma ahan markii ugu horreysay oo gabdho lagu toogto Muqdisho, waxaa ugu dambeesay xaley oo degmada Hodan lagu dilay gurrigeeda haweeneyd ka tirsaneed ururka haweenka degmada Hodan.

Aammaanka magaalada Muqdisho ayaa soo xumaanayay wixii ka dambeeyay tan iyo markii maamulka gobalka Banaadir lagu wareejiyay ammaanka guud ee caasimadda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.