DEGDEG: Labo gabadh oo goor dhow lagu dilay magaalada Muqdisho

War hadda na soo gaaray ayaa sheegay in kooxo hubeysan ay ku toogteen labo gabdhood degmada Dharkeenley ee magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in ragga wax weerarray ay wateen baabuur isla markaana ay rasaas ku fureen gabdhahan oo seddax ahaa kuwaasoo la socday mootada loo yaqaano Bajaaj.

Mid ka mid ah gabdhaha ayaa la sheegay in ay dhimmatay halka midda kalena ay dhaawac tay oo isbitaal loola caray.

Gabdhaha la toogtay ayaa ahaa labo walaalo ah.

Waxaa goobta gaaray ciidamada ammaanka, waxaana durba goobta ka baxsaday kooxda weerarka geesatay.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in mid kamid ah gabdhaha oo kaliya ay geeriyootay midda kalena ay dhaawacantahay.

Gabdhahani ayaa waxaa la sheegayaa inay kamid ahaayeen shaqaalaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.