AMISOM oo war ka soo saartay dhacdo shalay ka dhacday deegaanka Buulomareer

amisom

AMISOM ayaa war Saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in aad uga xun tahay dad rayid ah oo ciidamadeeda ku dileen Buulomareeb.

AMISOM waxsaxaafadeedkeeda waxaa ay ku sheegtay in afar qof ciidamadeeda ku dileen jidgooyo ku taallo Buulomareer iyagoo raggaas sida ay sheegeen uga shakiyay Al-shabaab.

Qoraalka AMISOM waxaa uu ka horimaanayaa hadallo ka soo baxay dhacdadaas oo sheegaya in ay AMISOM dishay  afar qof oo rayid ah.

AMISOM sidoo kale ma sheegin tirada dadka rayidka ah ee Buulomareer ku dileen iyo xitaa sababta ay u dileeen.

Ma aha markii ugu horeysay ee AMISOM qirato in ay dileen rayid, waxaa kaloo xusid mudan in weligood aanay bixin wax magdhaw ah, arrintaas oo ka hor imaaneysa xeerarka caalamiga iyo heshiisyada nabad ilaalinta.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.