DHAGEYSO: Maamulka Hodan ee Muqdisho oo faahfaahiyay dil xalay loo geystay haweeney

Maamulka Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay wadaan howlgalo ay ku soo qabanayaan   koox degmadaas ku toogtay Gudoomiyihii Gudoomiyihii  Haweenka Degmada Hodan waaxda October.

Gudoomiyaha Degmadaas Axmed Daahir ayaa sheegay in ay socdaan dadaal ay ku doonayaan in ay ku ogaadaan  dadkii ka danbeyay weerarka lagu dilay haweenaydaas oo lagu magacaabi jiray Cibaado Cabdi Maxamuud.

Gudoomiyaha waxa uu sheegay in baaritaanka ka  dib ay  warbaahinta u soo  bandhigi doonaan natiijada ka soo baxda baaritaanka ay wadaan ciidamada Maamulka Degmada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.