Galmudug oo sheegtay inay soconayaan qorshe lagu sugayo ammaanka magaalada Cadaado

Maamulka Galmudug  ayaa sheegay in ciidamada Maamulkaas ay ka hortagi doonaan falal kasta  oo wax u dhimanaya Ammaanka ,Magaaalada Cadaado.

Warkan  waxa sheegay Wasiir Maamulkas u qaabilsan Dastuurka iyo dib   u heshiisiinta Cusmaan Maxamed  Cali   oo jawaab celinayay dagaal maalmo  ka hor ka dhacay  duleedka Magaalada Cadaado.

Laamanaha amaanka Maamulka Galmudug ayuu ugu baaqay wax ka qabashada  fal kasta oo ka hor imaanaya Nabada dadka degaanada Galmudug ku nool

Waxaa loogu baaqay in qofkasta oo ku nool deganadda Galmudug uu ka qaybqato nabadda.

Magaalada Cadaado waxaa lagu arkayaa ciidamo ka tirsan Galmudug oo feejigan kuwaasoo ka digtoon isku dhacyada magaaladaasi ku soo baray waayadii dambe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.