Xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka oo Mooshin ka keenay Shir Jowhar ka socda

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Mooshin ka keenay Shirka Maamul u sameynta ee ka socda Magaalada Jowhar ee Xarun Goboleedka Shabellaha Dhexe.

Xildhibaanadaan oo sheegay tiro ahaan in ay yihiin 40 Mudane ayaa Mooshinka waxaa ay ku dalbanayaan in la joojiyo Shirka Maamul u sameynta Labada Gobol,waxaana ay sheegeen in Shirkaasi qaabka loo maray inuu Jowhar ka furmo uu yahay mid aan Sharci aheyn.

Xildhibaanada ayaa Mooshinka ka hor Akhriyay  Kulan Baarlamaanka Soomaaliya ay maanta ku yeesheen Xarunta ay ku shiraan ee Golaha Shacabka.

Sidoo kale Mooshinkaan oo la rabay in maanta Cod loo qaado ayaa u baaqday Kooram la’aan kadib markii Xildhibaanada intooda badan ay baxeen,maadaama Xilliga salaada Duhur lagu guda jiray.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Mooshinka ku Saxiixan  ayaa sheegay in Guddoonka Baarlamaanka ay u gudbiyeen islamarkaana ay sugayaan Waxii Natiijo ah oo Guddoonka ka soo baxa.

Shirka Maamul u sameynta Gobolada Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan oo Wajigiisii Labaad Maalmo ka hor la furay ayaa waxaa wali daba taagan Qeylo dhaan ku aadan qaabka Shirka loo maamulayo,iyadoo Beelaha wax ka daga Gobolka Hiiraan ay horay u diideen in ay tagaan Magaalada Jowhar.

Dhinaca Kale Kulan maanta Ay ku Yesheen Magalaada baladweyne Odyaasha  Dhaqanka Ka soo Jedo Gobalka  Hiraan Waxaa Ay Dowlada Ku Edeyen in Iska Hor keneyso Dadka Wado Labda Gobal ee Hiraan iyo Sh, dhexe  Shirkaasina uusan jirin Cid Mateleyso Dadka reer Hiraan oo Ka Qeyb Galeyso Aysan  Jirin .

Jowhar Ayaaa Noqotay Madak Geed Fadhi u Noqoto shirka Maamul u Sameynta Labad Gobal sida uu Shaaciyay Madaxweyne Xasan Laakin Ma Aysan Helin Nasiibkii Ay Heleen  Magaloyinkii Kale ee shirarka Logu Qabanayay Mamul Gobaledyadii La dhisay

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.