DAAWO: AMISOM oo Raashiin iyo Dawooyin gaarsiisay shacabka Ku dhaqan Deegaanka Goobweyn.

Ciidamada nabad ilaalinta ee AMISOM ee ku sugan magaalada Kismaayo ayaa gargaar isugu jira raashiin iyo dawooyin u qeybiyay shacabka ku dhaqan tuulada Goobweyn ee duleedka magaalada Kismaayo.

Saraakiisha Jubaland ayaa goob joog ka ahayd munaasabadii AMISOM ay gargaarka ugu fidinaysay shacabka Goobweyn.

Shacabka ku dhaqan Goobweyn ayaa dhinacooda soo dhaweeyey deeqdan Raashinka iyo Daawada Isugu jirta ee kaga timid Ciidamada AMISOM ee Fadhigoodu yahay magaalada Kismaayo.

AMISOM ayaa isku dayeysa Kasbashada Quluubta Shacabka deegaanada ay ku suganyihiin, waxayna bilow wanaagsan u tahay Xiriir dhexmara AMISOM iyo Shacabka, taas oo fududeyn doonta wada shaqeyn ay yeeshaan labada dhinac.

Hoos Ka daawo Sawirada

ami5

ami

ami1

ami2

ami3

ami4

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.