Wararkii Ugu dambeeyey ee Cadaado ee Dagaalkii Maleyshiyo Beeleedyada.

cadado

Wararka ka immaanaya magaalada Cadaado oo xarun kumeel gaar ah u ah maamulka Galmudug ayaa sheegaya in halkaas maanta ay isku dhaceen ciidamada maamulka Galmudug iyo maleeshiyaad hubeysan oo magaalada taageero xooggan ku dhex leh.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay Gedo Times, in iska hor immaadka uu ka dhashay kaddib markii saaka diyaarad khaad sidda lagu rasaaseeeyay garoonka diyaaradaha Cadaado, taasna ay keentay in ay isku dhacaan dhinacyada magaalada ku dagaallamay.

Xaaladda magaalada ayaa tan iyo maanta kacsan, waxaana hakad ku jira dhaqdhaqaaqa magaalada sidda ay dad goobjoogayaal sheegeen.

Dableyda la dagaallameysa ciidamada maamulka Galmudug ayaa la sheegay in rabaab in ay gudaha u galaan garoonka diyaaradaha magaalada oo hadda ay gacanta ku hayaan ciidamo ka tirsan maamulka Galmudug.

Dadka deeganka ayaa cabsi ka muujiyay dagaallada ku dhexmaraya magaalada ciidamada Galmudug iyo meleeshiyaad u abaabulan qaab beeleed.

Ilaa hadda ma jirto cid ka hadashay arrintan ka taagan Cadaado.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.