Axmed Madoobe: Waa ku faraxsanahay ayadoon Hogaamiyayaasha Soomaalida lagu dhexjirin ineey heshiiyaan.

????????????????????????????????????

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo dib ugu laabtay magaalada Kismaayo ayaa ka hadlay shirkii Madasha wadatashiga qaran ee looga hadlay doorashooyinka iyo go’aanadii ka soo baxay.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in shirkaas looga hadlayay mustaqbalka Soomaaliya ee 2016, isagoo xusay inay aheyd guul taariikhi ah in Madaxda Soomaalida oo aan la dhex dhexaadin ama loo kala dab qaadeyn inay heshiis gaaraan.

“Guul taariikhi ah ayay aheyd in meel Soomaali isugu timid oo ay ku wada hadashay aanay cidna ku dhex jirin oo aan loo kala dab qaadeyn, Beesha caalamkana midna aanay joogin”ayuu yiri Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe ayaa xusay in qodobada qaar ee laga doodayay aysan aheyn kuwo jilicsan, balse waxa laga hadlayay ay ahaayeen kuwo adag, balse la muujiyay isu tanaasul iyo mas’uuliyad sida uu yiri.

Waxaa uu sheegay in soo xulista Aqalka sare ee Baarlamaanka ay u taalo dowlad goboleedyada, halka Aqalka hoose ee Baarlamaanka xildhibaan walba deegaanka uu ka yimid uu tagi doono, halkaas laga soo xuli doono, waxaana uu meesha ka saaray shakiyada ay qabaan Xildhibaanada ku jira Baarlamaanka waqtigiisu dhamaanayo.

Bisha Agosto ee soo socota ayuu qorshuhu yahay in la soo xulo labada Aqal ee Baarlamaanka, si bisha September loo doorto Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweynaha.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.