Warbixin: Wararkii Ugu dambeeyey ee Cadaado iyo Xaalada Garoonka Degmadaasi.

Iyadoo shalay gelinkii dambe uu dagaal ka dhacay garoonka diyaaradaha Cadaado ayaa waxaa saaka degan xaalada garoonka, iyadoo lagu guuleystay in la xaliyo xiisadii sababtay gacan ka hadalka.

Sida ay sheegayaan wararka ammaanka garoonka diyaaradaha Cadaado ayaa waxaa lagu wareejiyay Ciidamo ka tirsan Nabadsugida.

Dagaalka ka dhacay garoonka diyaaradaha Cadaado ayaa u dhaxeeyay Ciidamada Galmudug iyo maleeshiyaad taabacsan Ganacsatada Qaadka keena magaalada

Muran u dhaxeeyay Ciidamada Galmudug iyo Ganacsatada Qaadka keena ayaa maalmihii u dambeeyay ka taagnaa Cadaado, waxaana aakhirkii dhacay dagaal.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada ay ka dalbadeen lacago fara badan Ganacsatada, waxaana taasi keentay inay Ganacsatada ka hor-yimaadaan.

Odayaal iyo waxgarad ayaa dadaal u galay sidii loo joojin lahaa dagaalka, iyagoo ku guuleystay inay kala qaadaan labada ciidan.

Lama oga illaa iyo hada khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkii shalay ka dhacay garoonka diyaaradaha Cadaado, waxaana dagaalka uu saameyn ku yeeshay degmada Cadaado oo xarun KMG u ah Maamulka Galmudug

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.