TOP News: Madaxweynaha Soomaaliya oo Gaaray Wadanka Sudan kulane laleh madaxda Dalkaasi.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu horkacayo ayaa maanta ka degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Khartoum ee dalka Sudan, halkaasoo ay uga bilaabatey booqasho rasmi ah oo laba maalmood ah.

Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha ee Khartoum si diiran ugu soo dhoweeyay Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir, mas’uuliyiin ka tirsan goleyaasha dalka Suudaan iyo danjireyaasha waddamada Jaamacada Carabta iyo Afrika u fadhiya Suudaan.

Socdaalka Madaxweynaha ayaa la xiriira martiqaad rasmi ah oo u ka helay Madaxweyne al Bashir, waxaana lagu wadaa in Labada Madaxweyne ay qaataan kulan gaar ah

Labada Madaxweyne ayaa yeelan doona wadahadalo ku saabsan xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ka dhexeeya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.