Ciidamada Jarmalka ee Soomaaliya jooga oo waqtiga loo kor dhiyay

Golaha xukuumadda Jarmalka ayaa isku raacay waqti kordhin loo samaynayo ciidamada Jarmalka Soomaaliya ka jooga.

Afhayeenka xukuumadda Jarmalka Steffen Seibert ayaa u sheegay warbaahinta in fadhigii ay wasiiradda Jarmalku iskugu yimaadeen ay ku meel mariyeen in la kordhiyo waqti ay ciidamada Jarmalku howlgalada ka wadayaan Soomaaliya iyo Mali.

Afhayeenkaan ayaa sheegay in la meel mariyay in hawlgalka Jarmalka ee Soomaaliya oo tababar ah uu sii socon doono illaa illaa dabayaaqada bisha May ee sanadka dambe ee 2017.

Sidoo kale wasiirada Jarmalka ayaa meel mariyay in la dhimo tiradda ciidamada badda ee biyaha Soomaaliya ka jooga oo hadda gaaraya 650 askari waxaana laga dhigayaa 600 oo askari.

Sidoo kale waxaa waqti kordhin loo sameeyay ciidamada Jarmalka ee jooga wadanka Mali.

Jarmalku waxaa uu ka mid yahay wadamada reer Yurub ee dhinacyada kala duwan ka taageera dawlada Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.