Daawo: Maamulka Degmada Saaxo oo Si Rasmi ah u dhax-dhigay isbitaalka Guud ee ay yeelaneyso Degmadaasi.

Maamulka Degmada Saaxo ayaa si rasmi ah u dhaxagaxdhigay Isbitaalka guud ee ay yeelaneyso Degmadaasi Saaxo, oo katirsan Gobolka Mudug Qeybta Puntland.

Madasha Dhagaxdhigga ayaa waxaa kasoo qeybgalay qeybhaa kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmada Saaxo, Maamulka Degmadaasi iyo gudiga Dhismaha Isbitaalka.

Waxaa si wadajir ah u dhagax dhigay isbitaalka Gudoomiye Kuxigeenka Degmada Saaxo Mudane Mowliid Daahir Aadan iyo Gudoomiyaha Gudiga Dhismaha Isbitaalkaasi Marwo Istar Maxamed Diriiye, iyagoo ka hadlay halka uu maraayo dhismaha Isbitaalka Degmada Saaxo.

waxay sheegtay amrwo isir in haweenka qurbaha ku nool ee kasoo jeeda degmada ay soo gaarsiiyeen Gurmad lacageed oo gaaraya ilaa 40 kun oo dollar, iyadoo sheegtay in isbitaalka ay ku kaceyso dhismihiisa lacag dhan 140 kun oo dollarka mareykanka ah.

Maamulka Puntland ayaa loogu baaqay in uu gacan muuqato ka geysto dhismaha Isbitaalkaasi Saaxo, oo ka tirsan Gobolka Mudug,

Hoos Ka Daawo Muuqaalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.