Daawo Sawirada : Qaabkii loosoo Xareeyey Ciidamadii Dowladda ee Deegaanka Goobweyn ku sugnaa.

????????????????????????????????????

Dowlad Gobaleedka Jubbaland iyo Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa Maalmihii ugu danbeyay dadaal dheer ugu jiray soo xaraynta Ciidamo taabacsan Kormayl Bare Aadan Shire Bare Hiiraale oo mudo Sadex sano ah ku sugnaa duleedka Deegaanka Goobwayn oo qiyaastii 13 kilo mitir dhanka waqooyi kaga beegan Magaalada Kismaayo.

Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom ee nabad ilaalinta u joogao Koonfurta Soomaaliya iyo Dowlad Gobaleedka Jubbaland ayaa galabta galinkii danbe ku gulaystay soo xaraynta Ciidamadaas oo mudo Sadex sano ah ku sugnaa Duleedka Deegaanka Goobwayn.

Soo xaraynta Ciidamadaan ayaa waxaa ka dhashay qilaaf xoogan oo dhaxmaray Ciidamada Midowga Afrik ee AMISOM gaar ahaan Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Kenya, Balse wada hadalo badan iyo dadaal dheer oo qatay mudo saacado ah ka dib waxaa si rasmi ah ugu guulaystay Ciidamada Itoobiya inay soo xareyaan Ciidamadii ka amarqanayay Bare Hiiraale iyagoo waliba hubkooda sita.

Dowlad Gobaleedka Jubbaland oo  dhexdhexaadinaysay wadahadala Ciidamada Itoobiya iyo Kenya ayaa ugu danbayn xal buuxa ka gaartay, wadahadaladaan ayaa qaatay mudo saacada ah waxaana suurta gashay in la soo xareeyo Ciidamadii xili qoraxda ay godkeeda siigalaysay.

Taliyaha Ciidamada Itoobiya qaybta Jubooyinka Atasfaaya oo hogaaminayay Saraakiishii soo xaraynaysay Ciidamada oo warbaahinta ku la hadlay fagaaraha wayn ee Deegaanka goobwayn ayaa sheegay in ay guul ka gareen dib u soo celinta Ciidamadaan.

Atasfaaya ayaa intaa ku daray in Ciidamada Itoobiyaka ay guul u tahay soo xaraynta Ciidamadaan oo mudo ku dhawaad ah Sadex sano ah ku sugnaa qarqarka Wabiga Jubba ee mara Deegaanka Goobwayn oo 13 kilo mitir Kismaayo u jirta

Talaabadaan ayaa qayb ka noqonayso Heshiiskii ay gareen Besha Sade iyo Hogaanka Saree Jubbaland.

Waa Talaabadii Koowaad e dhinaca Hormarka uu u qaado janaraal Fartaag Madaxweyne Kuxigeenka Jubaland Bacdamaa Ciidamadii beeshiisa ee Duleedka Kismaayo tubnaa uu soo xareeyey iyagoo hubkooda sita, haatane ay ku suganyihiin saldhiga ugu weyn ee ciidamada itoobiya ay kuleeyihiin Magaalada Kismaayo.

Tani waxa ay daliil u tahay Xiriirka Wanaagsan ee Ka dhaxeeya Janaraal fartaag iyo Ciidamada Itoobiya Maadaamaa HEshiis gooniyaad oo isaga iho itoobiyaanka dhexmaray uu sababay soo xarooshada Ciidamadani, xilli lasoo warinaayo in saraakiil kale oo ka tirsan Maamulkaasi ay aad uga xumaadeen Talaabadani.

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.