Dhageyso:Maamulka Degmada Xamar Weyne oo Faah Faahiyay Qasaraha Qarax ka Dhashay

Qaraxaan oo ahaa Gaari laga soo buuxiyay Walxaha Qarxa oo la dhigay Iridka hore ee Maqaayada Al-hindi ee Degmada Xamar-weyne ayaa waxaa ku dhintay 5 Qof oo Shacab ah,iyadoo ay ku dhaawacmeen ilaa 7 kale.

Dadka ku dhintay Qaraxa ayaa waxaa ku jira Caruur Iskuuley ah,kuwaas oo xiligaa  ka soo baxay Iskuuladii ay wax ka baranayeen.

Goobta Qaraxu uu ka dhacay ayaa waxaa gaaray Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya iyo Saraakiil Ciidan.

Gudoomiyaha degmada xamarwayne cabduqaadir maxamed cabduqaadir oo Goobta Qaraxu ka dhacay Warbaahinta kula hadlay ayaa sheegay in Dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay Qaraxa ay yihiin Dad Shacab ah oo aan waxba galabsan.

Sidoo kale gudoomiyaha degmada xamr wayne cabduqaadir maxamed cabduqaadir ayaa waxa uu sheegay inuusan gaysan qaraxaan waxyaabihii laga doonayay islamrkaana tilmamaamay gudoomiyuhu inta uusan qarxin gaarigaan ay lasocdayn lamaama amaanka.

Goobta uu kadhacay qaraxa ayaa ahaa mid bur bursan gabi,ahaan islarmarkaan uusan ku wacnayn inay qabtaan indhuhu madaama

Sabtidii la soo dhaafay ayaa Qarax nuucaan oo kale ah oo ka dhacay Maqaaxi u dhaw Isgoyska beexaani ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku dhintay Saddex Ruux,iyadoo ay ku dhaawacmeen ilaa 5 kale.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa Todobaadyadii ugu dambeeyay ka dhacay Weeraro isugu jira Qaraxyo,Hoobiyaal iyo Dilal Qorsheysan.

Halkaan ka Dhageyso

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.