M/weyne Xasan Shiikh “Awooda Al-Shabab waa ay soo xoogaysanaysaa”

Sida lagu qoray wargeyska The Washington Post ee Maraykanka M/weynaha Soomaaliya Xasan Sh, Max’ud ayaa Al- Shabab ay isa soo auursanayaan oo ay soo awoodaysanayaan sida muuqata

M/weyne Xasan Shiikh uu waraystay wargeyska aanu warkaan ka xiganayno ee Washington Post ayaa waxaa uu sheegay in awooda Al-Shabab ay soo isa soo tarayso xilligaan isla markaana ay dawladu awood u laheyn sugida amaanka iyo gaarsiinta adeegyada bulshada goobaha laga saaro dagaalamayaasha Al-Shabab sida wargeysku qorayo.

“Al-Shabab waa ay soo xoogaysanayaan mana awoodno inaan adeegyada aas aasiga ah ka hirgalkino meelaha laga xoreeyo sababtoo ah ciidamadeenu ma haystaan mushaar iyo hub ay kula dagaalamaan” ayuu ku yiri M/weynaha waraysiga uu baxshay.

M/weynaha Soomaaliya waxaa uu sheegay in culayska dhanka amaanka ah ee heysta ay qeyb ka yihiin dawlada oo aan awood u laheyn bixinta mushaarka ciidamada iyo soo iibsashada agab ciidan oo ku filan oo ay Al-Shabab kula dagaalamaan.

“Dawlada waxaa saaran labo culeys ayaa saaran kuwaasoo kala ah inaysan haysan dhaqaalo ciidamada la siiyo iyo hub la’aan taas ayaana keeneysa in Al-Shabab awoodooda xoogaysato”.

Xasan Shiikh M/waynaha Soomaaliya waxaa uu waraysigaan ku sheegay inuu qirsan yahay in hawlgalada ay wadeen ciidamada dawlada iyo kuwa AMISOM ay sidii hore ka yaraadeen oo ay meelo gaar isku koobeen taasoo fursad siisay buu yiri Al-Shabab inay dhul ay ku dhaq dhaqaan helaan

Inkastoo Al-Shabab laga saaray magaalooyin muhiim u ahaa haddana magaalooyinka qaar waa ay go’doonsheen waxaana ay dhawr jeer weerareen xeryo ay gobolada dalka ka degen yihiin ciidamada midawga Africa ka socda ee AMISOM.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.