Dhageyso: Roobab Lagu Diirsaday oo tan iyo Xalay ka da’ayey Deegaano ka tirsan Gobolka Gedo.

roob

Roobab lagu diirsaday dadkune ay ku qabowsadeen ayaa tan iyo xalay ka da’ayay Bartamaha iyo Waqooyiga Gobolka Gedo, kuwaas oo ay dadka deegaanadaasi ku nool aad u soo dhaweeyeen.

Degmooyinka Garbaharay, Baledxaawo iyo doolow iyo Deegaano hoostaga ayey roobabkani ka da’een kuwaas oo biya dhigay dhamaan deegaanada ay ka da’een,

Wariye ka tirsan Gedo Times Shariif Axmed Taajirne waxa uu soo warinayaa in xalay ilaa saaka uu Baledxaawo ka da’ayo Roob aad loogu diirsaday oo dadkii xitaa ay tahli waayeen in ay magaalada u soo baxaan.

Sidoo kale wariyaha ayaa soo warinaya in deegaano kala duwan oo Gobolka ah oo uu telefoon kula xiriirayne loo sheegay in roobabka guga ay ka curteen.

Sikastaba Gobolka Gedo oo soo maray abaaro baaxad leh ayaa iminka waxaa muuqaneysa in raxmadii eebe ay ku hoortay, inkastoo wali aan la oran karin guud ahaan gobolka waa ka curteen xili roobaadka Guga hadane waa Bilow wanaagsan, marba hadii deegaanada qaar oo abaaro ba.an ay ka jireen ay ka curteen roobabkii Guga.

Hoos ka dhageyso wareysi uu ka qaaday Shaafici Cabdinuur oo Gedo Times Ka tirsan Wariye Shariif Axmed Taajir oo Baledxaawo ku sugan kana waramaya roobabkani ka curtay Deegaano dhaca Waqooyiga iyo Bartamaha Gobolka Gedo.

1 Comment

  1. maansha alah somalida waa dad aan kaydka aqoon wabiga iyo roob kaba walaga fa idaystaa markuu naqa iyo gu,gaba da;O OOBARAAGO WAA WAYN BAALA QOTAA ILAA KUN IYO KABADAN FUUSTO QAADO SI XILIGA DAYRTA LOOGU BAXSADO MARKUU ROOBKA DA,ANA ROOB KAALAYO WAXYEELO UGAYSTO MARKAY ABAR JIRTANA ABAARTAALAYSO DHAN AY UBAXSANAYAN MALEH MAXAA DHACAY ILBAXNIMADA ISLAMKA LEH XAGAY IN KAMARTAY QIDASII NABIYUUSUF CSWM UU MASAR UGA SAARAY ABARTA UGU NA TABABUSHAYSTAY, GURYA FIICAN OO DHISMA ADAGLEH MAGASHAN XOOLAHA UMA KAYDISAN BIYO IYO DAAQ BADARKA KAMA FA IDAYSATAN XILIGA ROOBKA JIRA OODALAGA MABADSATAAN SOMALIDA WAA DAD DAYACAN MASAAKIN AH DANTOODA MAYAQANAN KURSI UNBAA UCAD

Leave a Reply to zakia Cancel reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.