XOG: Axmed Madoobe iyo Wasiir Diini oo isku haya Shakhsiga Noqonaya Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Jubbaland.

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland iyo Wasiirka difaaca Dowlada Soomaaliya ayaa ku kala qaybsamay Aragti la xiriirto Shaqsiga ku haboon inuu noqdo Taliyaha Ciidamada Xooga dalka ee Gobolada Jubbaland, waxaana Arintaas ay dhalisay Khilaaf xoogan oo Labada Mas’uul ka dhex qarxay .
Axmed Madoobe ayaa Xilkaas u wado Nin ay si weyn isugu dhowyihiin Isku siyaasadna ay ahaayeen tan iyo Markii Xilka Hogaanka Jubbaland loo doortay , kaas oo lagu Magacaabo Ismaaciil Saxaradiid kana mid ahaa Saraakiishii hogaaminaysay dagaaladii uu Maamulka Jubbaland la galay Hogaamiyihii Mucaaradsana Col. Barre Hiiraale .
Waxaana Magacaabida ninkaan u soo Gudbiyay Wasiirka Gaashaandhiga Hogaamiye Axmed Madoobe oo Xilkaas la jeclaaday Mudane Saxaradiid oo uu Axmed Madoobe uu Abaal u hayo .
waxaase Arintaas ka biyadiiday Wasiir Diini oo Xilkaas horay ugu Magacaabay Jeneraal lagu Magacaabo Muxuyadiin C/xakiin Sayid Maxamed Cabdille Xasan , wuxuuna Wali ku adkaysanayaa in Taliyaha Jubbaland ee Ciidamada Xooga dalka uu ninkaa Noqodo taas oo Muran ka dhex dhalisay Labada Mas’uul .

Ma cadda halka uu sal dhigan doono khilaafkan cusub ee soo kala dhexgalay Axmed Madoobe iyo Wasiir Diini, inkastoo Xogo gaar ah oo ay Gedo Times heshayne ay sheegayaan in Wasiirka uu soo jeediyey hadii ismarinwaaga arintan la xiriira uu sii socdo in labada shakhsiba meesha laga saari doono uuna wasiirka magacaabi doono taliye ka madax banaan dhinacyada la isku hayo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.