Sawirro: Wasiir Farkeeti ayaa shirkii sanadlaha ahaa ee Wasiirada Maaliyadda ee Jaamacada Carabta uga qayb galay dalka Baxrayn

Wasiirka Maaliyadda XFS mudane Maxamed Aden Ibrahim Farkeeti iyo wafti u hogaaminayo ayaa dalka Baxrayn uga qayb galay shirkii sanadlaha ahaa ee Wasiiradda Maaliyadda ee Jaacadda Carabta, Shirkan ayaa waxaa soo agaasimay shanta haya’adood ee dhaqaallaha ee hoostagta Jaamacadda Carabta. Waxaana isugu yimaada dhammaan Wasiiradda Maaliyadda & Gudoomiyeyaasha Bangiyada Dhaxe.

Arrimaha ugu muhiimsan ee shirkaan diiradda lagu saaray sanadkaan waxaa ka mid ah, Kobcinta maalgashiga wadamada ku bohoobay Jaamacada Carabta. Horumarinta Beeraha. Sidii loo heli lahaa suuq Carbeed oo midaysan iyo Dar-dar galinta dhaqaalaha waddamada Carabta

Wasiirka Maaliyadda XFS ayaa shirkaan hor dhigay warbixin ka hadlaysa guud ahaan dhaqaalaha Soomaaliya meesha uu marayo, caqabadaha jira iyo sida ugu habboon oo looga bixi karo. Sidoo kale Wasiirka ayaa soo jeediyey talooyin ku wajahan dowrka wadamada Carabta ee ku aaddan sida Soomaaliya u gacan siin lahaayeen dib u soo noolaynta kaabayaasha dhaqaalaha iyo shaqo abuurka.

Sidoo kale intii kulanku socay ayaa Wasiirka Maaliyada Soomaaliya wuxuu kulamo gooni-gooni ah la yeeshey dhamaan hey’adaha Maaliyadda Carabta ee ka soo qayb galay shirkaan iyo Wasiiradda Maaliyadda boqortooyada Sacuudi Carabiya iyo Kuwait waxayna ka wada hadleen xiriirka dhaqaalle ee labada dal iyo sidii la isaga kaashan lahaa maalgashi dhax mara labada wadan. Sidoo kale Wasiirku wuxuu la kulmay boqorka dalka Bahrain Amiir Hamdi Binu Ciisaa Aala khaliifa, wuxuuna siiyey warbixin ku saabsan Soomaaliya ayiga oo ka wada hadley xiriirki dhaqaalle ee labada wadan.

Wasiirka ayaa sidoo kale wuxuu la kulmay gudomiyaha sanduuqa Sacuudiga iyo kan lacagta carabta, waxayna aad ooga wada hadleen sidii Soomaaliya looga kaalmeen lahaa dhanka dhaqaallaha, Maalgashiga iyo Sidii looga cafin lahaa deynta ku raagtay.

Ugu danbeentii shirka oo socday mudo labo maalin ah ayaa gaba gabadii kulanka waxaa aad loogu soo dhaweeyey horumarka ay dowladda Soomaaliya ay ka samaysay dhanka maamul wanaaga maaliyadda, iyo isla xisaabtanka, taas oo dhiiri galin karta in dalku helo kaalmooyin wax ku ool ah.

received_1238036316224546

12935246_1238256096202568_1483993563_n

12966742_1238257289535782_1799890052_n

12968548_1238255746202603_1411016621_n

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.