LIVE: Shacabka Jabuuti oo u dareeray goobaha cod bixinta

geele

Dalka Jabuuti guud ahaan maanta waxaa ka billoowday doorashada madaxtinimada iyadoo dadku ay safaf dhaadheer ugu jiraan goobaha cod bixinta.
Lix musharax oo uu ka mid yahay madaxweynaha haya talada dalkaasi Ismaaciil Cumar Geelle ayaa u tartamaya madaxtinimada dalkaasi, waxaana doorashadaasi dusha ka eegaya korjoogto ka socota caalamka.
Ammaanka guud ee dalkaasi ayaa si weyn lo adkeeyay, iyadoo ciidamo farabadan lagu arkayo waddooyinka iyo goobaha cod bixintu ka socoto.
Wasaaradda arrimaha Gudaha ayaa sheegtay in dhamaan ay diyaar yihiin agabkii doorashada, waxayna sidoo kale dadka ka codsatay in amniga la ilaaliyo.
Dhinaca kale, Jaamac Amare Maydal, oo ka mid ah dalada mucaaradka USN, ee garabka musharraxa Cumar Cilmi Kheyr ayaa sheegay inay doorashada diyaar u yihiin, balse waxay ka digeen in natiijada doorashada lagu shubto.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.